Regional Coordination

 

Waaxda Xidhiidhka Gobollada

 

Hordhac

Waaxda Xidhiidhka Gobollada waxa ay Waax rasmi ah noqotay bishii November 2019, markaas oo wareegto kasoo baxday xafiiska Gudoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka lagu soo saaray isla markaana lala wadaagay hay’addaha kale ee qaranka sida Ha’adda Shaqaalaha iyo Waaxda Xisabaadka ee Wasaaradda Maaliyadda Jamahuuriyada Somaliland.

 

Qaabdhismeedka Waaxda

Waaxda Xidhiidhka Gobollada ee HQBQ waxa ay ka kooban tahay laba kooban tahay Saddex qaybood oo waaweyn oo kala ah:

  1. Qaybta Uruurinta Xogta Gobollada
  2. Qaybta Diyaarinta Warbixinta Gobollada
  3. Qaybta u doodista Baahiyaha Gobollada

 

Shaqooyinka ay Waaxdu u Xilsaaran tahay

  1. Isku xidhka Xarunta Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Xafiisyada Gobollada ee ha’yadda.
  2. Xidhiidhinta mashaariicda Bini’aadanimo ee ka socda gobollada dalka iyo waaxyaha Hay’adda qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
  3. Diyaarinta iyo isku dubbaridka munaasabadaha ama shaqooyinka gobollada.
  4. Hubinta habsami-u-socodka hawlaha shaqo ee xafiisyada gobollada.
  5. Samaynta iyo hagaajinta xogta ee waaxda Xidhiidhka Gobollada
  6. Soo saarista xogta la xidhiidha xaaladaha bini-Adaannimo ee Gobollada.
  7. Samaynta xog kaydiye lagu ururiyo wararka la xidhiidha masiibooyinka dabiiciga ah ee keena burbur hantiyeed.
  8. Ka qayb-galka shirarka bini-Aadminimo iyadoo ku matalaysa HQBQ.
  9. U doodista gobollada ay ka jiraan xaalado bini-Aadminimo.