Departments

 

 

WAAJIBAADKA WAAXYAHA HAY’ADDA QAXOOTIGA IYO BARAKACAYAASHA QARANKA

 

  1. WAAXDA MAAMULKA IYO MAALIYADDA.

Waaxda maamulka iyo maaliyaddu waa laf-dhabarta shaqada Hay’adda, waxaana hoos imanaya xisaabaadka, tiknoolajiyada, Gaadiidka iyo kaydinta xogta Hay’adda.

Waajibaadka shaqo:-

 

  1. Xisaabaadka

 

  1. Diyaarinta miisaaniyad sannadeedka, ka qayb-galka doodda, falanqaynta iyo difaacidda miisaaniyadda.
  2. Diyaarinta waarannada kharashyada iyo mushahaarooyinka.
  3. Diyaarinta, gudbinta iyo daba-galka kharashyada kala duwan ee xafiiska (payment voucher).
  4. Diyaarinta war-bixin xisaabeedka saddex biloodka, sannadlaha iyo war-bixinaha kale ee loo baahdo.
  5. Diyaarinta Heshiisyadda arrimaha Maamulka ee kala duwan sida heshiiyada shaqaalaha ka baxsan kuwa dowladda, la-taliyeyaasha iyo adeeg bixiyayaasha.

 

  1. Maamulka, Iibka Iyo Gaadiidka

 

  1. Isku dubaridka  arrimaha maamulka iyo maaliyadda
  2. Diyaarinta iyo Maamulidda Xafladaha iyo Shirarka.
  3. Kor u qaadidda Muuqaalka iyo Bilicda Xafiiska Hay’adda
  4. Dayactirka dhismayaasha, Gaadiidka iyo Qalabka Xafiisyada.
  5. U hawl gelidda dhismayaal cusub.
  6. Iibsiga Qalabka xafiisyada iyo Baabuurta.
  7. Daabacaadda buugaagta, dukumantiyada Iwm.
  8. Maamulka iyo Daba-galka Gaadiidka
  9. Diyaarinta jadwalka hawl maalmeedka Gaadiidka.

 

 

  1. Kaydinta xogaha.

 

  1. Kaydinta Xogaha raad-raaca u ah Hay’adda (Qoraal, Maqal, Muuqaal, Sawir, Iwm).
  2. Habaynta faylasha lagu kaydiyo xogaha, iyagoo u samaynaya tixraac xidhiidhsan.
  3. Diiwaangelinta waraaqaha (qoraallada) ka baxaya xafiiska iyo kuwa soo gelaya.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waaxda  Tiknoolajiyada Iyo Xidhiidhka Dadweynaha.

 

  1. Duubista, Kaydinta Barnaamijyadda, Siidaynta Wararka, xayeysiisyada, ogaysiisyada iyo Wax-qabadka Hay’adda.
  2. Gelinta Website-yada xogaha Hay’adda.
  3. Dayactirka Qalabka tiknoolajiyada
  4. Samaynta xog-keydiyeyaasha (Data Base).

 

 

 

 

 

 

 

  1. WAAXDA CUDUDDA SHAQAALAHA.

Waaxda cududda shaqaaluhu waxay u xil-saaran tahay ilaalinta shaqada, shaqaalaha, Isku-xidhka madaxda iyo shaqaalaha Hay’adda, waxayna ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah:

 

  1. Tababbarada iyo Horumarinta Shaqaalaha

 

  1. Diyaarinta Tababarrada Shaqaalaha
  2. Kor-u qaadidda aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha
  3. Qiimaynta iyo daba-galka tababarrada.

 

  1. Wax-qabadka iyo Qiimaynta Shaqaalaha

 

  1. Dib u eegista iyo qiimaynta Shaqaalaha.
  2. Kor-meeridda Goobaha, xaaladaha shaqada iyo Shaqaalaha.
  3. Soo jeedinta iyo diyaarinta abaalmarinaha, Dallacsiinta iyo anshax-marinta Shaqaalaha Hay’adda iyadoo loo raacayo Xeerka Shaqaalaha Dawladda.
  4. La xidhiidhka Hay’adda shaqaalaha dowladda.
  5. Ku ilaalinta shaqaalaha xeerka shaqaalaha dowladda iyo hab-raacyadiisa.

 

 

  1. Xidhiidhka Shaqaalaha

 

  1. Diiwaan-gelinta fasaxyada Shaqaalaha.
  2. Xallinta khilaafaadka shaqaalaha ka dhex dhaca.
  3. Ururinta iyo kaydinta macluumaadka shaqaalaha.
  4. Ku ilaalinta shaqaalaha Saacadaha shaqada.
  5. Maamulidda mishiinka xaadiriska shaqaalaha ee maalinlaha ah (Finger print).

Diyaarinta iyo qaban-qaabinta shirarka shaqaalaha.

 

  1. WAAXDA QORSHAYNTA IYO TIROKOOBKA.

 

waaxda qorshaynta iyo tirokoobku  waxay  u xilsaaran tahay samaynta qorshaha Hay’adda, fulinta, hirgalinta iyo habsami u socodsiinta qorshaha dhow iyo ka fog ee Hay’adda, iyadoo markasta la jaan-qaadaysa qorshaha guud ee Qaranka JSL. Waxa ayna kormeer iyo dabagal ku samaysaa hawlaha ay fulinayso hay’addu iyadoo mid kasta ka war bixinaysa qaabkiisa shaqo.

 

  1. B) qaybta siyaasada iyo dhaqaale raadinta :-

 

  1. Hirgelinta,Horumarinta iyo sugidda siyaasadda qorshaysan ee Hay’addu dejisatay.
  2. Diyaarinta qoraallo hufan ee la doonayo in wax loogu qabto arrimaha la xidhiidha hawlaha wax-qabad ee Hay’adda.
  3. La samaynta xidhiidh iskaashi oo wacan dhamaan cid kasta oo wada shaqeyn la leh Hay’adda.
  4. T) qaybta kor-meerrada iyo daba-galka:-

 

  1. Soo sahaminta, ka talo bixinta iyo sugidda goob kasta oo laga fulinayo Mashruuc Hay’adda khuseeya.
  2. Kormeeridda, daba-galka iyo ka war-bixinta dhamaan Mashaariicda socota ee khusaysa hawlaha loo igmaday Hay’adda.
  3. Ka qayb-galka shirarka ee la xidhiidha qorshayaasha Hay’adda.
  4. Ka qaybalka miisaaniyad sanadeedka Hay’adda.

 

  1. J) qaybta tirokoobka iyo cilmi baadhista :-

 

  1. Diyaarinta iyo ku shaqeynta nidaamka tirokoobka (Statistics).
  2. Diyaarinta warbixino kooban oo ka tarjumaya wax-qabadyada Hay’adda, isagoo raacayatirokoob sugan.
  3. Fulinta iyo ka qaybgalka dhamaan wixii ku saabsan Cilmi Baadhis.

 

  1. X) Warbixinaha iyo Xidhiidhka
  2. Diyaarinta warbixino todobaadle, bille iyo sanadle ee Hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka waqtiga loogu talo galay.

 

 

  1. WAAXDA BARAKACAYAASHA.

Waaxdu waxay fulisaa siyaasadda Barakacayaasha Qaranka ee Hay’adda, waxayna ka kooban tahay afar qaybood oo fuliya hawlaha shaqo ee Waaxda.

  1. B) Qeybta Ka jawaabista Xaaladaha Deg-dega ah

 

  1. ka hortagga  barakicinta in dad Barakacayaal ah oo la aqoonsan yahay ay ku dhacdo Barakicin ka dhan ah xuquuqda muwaadinka reer Somaliland.
  2. Fulinta iyo hoggaaminta adeegyada loo qabto dadka barakacayaasha ah sida Raashin qeybin, lacagaha lagu taageero dadka barakacayaasha ah, Biyaha, Caafimadka, Waxbarshada deg-degga ah, taageerada iyo dhamaan adeegyada asaasiga ah ee dadka Barakacayaasha ahi u baahan yihiin.
  3. Qaybinta agabka guryaha iyo hoyga ku meel gaadhka ah.
  4. Hogaaminta shirarka ilaalinta danaha dadka nugul ee Barakacayaasha ah iyo kala xog qaadashada.
  5. Diyaarinta warbixin joogto ah oo xaaladaha deg-degga ah ee Barakacayaasha
  6. Ilaalinta iyo ka war-haynta dadka Barakacayaasha ah ee baahiyaha gaarka ah qaba
  7. Kormeeridda goobaha Barakacayaasha ee Xaaladaha Deg-dega ahi ka jiraan
  8. Qeybta xalu helidda Barakacayaasha

 

  1. Fulinta iyo hoggaaminta mashaariicda xal u helidda dadka Barakacayaasha ah iyadoo degaamadoodii hore lagu celinayo, dib u xoolayn iyo xirfada shaqana loo samaynayo.
  2. Fulinta siyaasadda Barakacayaasha Qaranka.
  3. Waxay door wayn ka qaadataa raridda iyo dejinta dadka Barakacayaasha ah ee la dejinayo dagsiimooyinka rasmiga ah.
  4. Hoggaaminta dhammaan shirarka xalka waara ee Barakacayaasha.
  5. Diyaarinta warbixinaha la xidhiidha xal u helida Barakacayaasha
  6. Taageeridda dhaqaale kabka dadka Barakacayaasha ah.

 

  1. Qeybta dhulka iyo Hoyga

 

  1. Diyaarinta qorshaha sharciyeynta dhulka  dadka Barakcayaasha iyadoo  lala kaashanayo Wasaaradda Hawlaha guud iyo Dawladaha hoose ee dalka.
  2. Diyaarinta mashaariicda guriyaynta dadka Barkacayaasha ah
  3. Hogaaminta mashaaricida guryaynta dadka Barakacayaasha ah.
  4. Diyaarinta warbixinta dhulka iyo hoyga.
  5. Qaban-qaabada iyo fulinta shirarka hoyga iyo dhulka.

 

  1. Qaybta Xidhiidhka Kaamamka

 

  1. Daba-galka iyo hubinta mashaariicda iyo adeegyada ka socda dhamaan Kaamamka Barakacayaasha.
  2. Ka jawaabidda cabashooyinka dadka Barakacayaasha ah.
  3. Fududaynta iyo samaynta guddiyada maamulka Barakacayaasha.
  4. Diyaarinta xeer hoosaadyada doorashada iyo tababarada Guddiyada kaamamka Barakacayaasha.
  5. Xallinta khilaafaadka guddiyada iyo Bulshada Barakacayaasha ah.
  6. Diyaarinta warbixinta kaamamka.
  7. Hoggaaminta shirarka maamulidda kaamamka (CCCM)
  8. Diiwaan gelinta iyo tira koobida dadka Barakacayaasha ah ee deggan kaamamka dalka.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  1. WAAXDA XIDHIIDHKA GOBOLADDA.

Waaxda xidhiidhka Gobolladu waxa ay u xil-saaran tahay is ku xidhka xarunta Hay’adda iyo xafiisyada gobollada.

Waxaanay ka kooban tahay qaybahan soo socda:

 

  1. B) Xidhiidhka Gobollada

 

  1. Isku xidhka Xarunta Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Xafiisyada Gobollada ee ha’yadda.
  2. Xidhiidhinta mashaariicda Bini’aadanimo ee ka socda gobollada dalka iyo waaxyaha Hay’adda qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka.
  3. Diyaarinta iyo isku dubbaridka munaasabadaha ama shaqooyinka gobollada.
  4. Hubinta habsami-u-socodka hawlaha shaqo ee xafiisyada gobollada.

 

  1. Maamulidda Xogta

 

  1. Samaynta iyo hagaajinta xogta ee waaxda Xidhiidhka Gobollada
  2. Soo saarista xogta la xidhiidha xaaladaha bini-Adaannimo ee Gobollada.
  3. Samaynta xog kaydiye lagu ururiyo wararka la xidhiidha masiibooyinka dabiiciga ah ee keena burbur hantiyeed.
  4. Ka qayb-galka shirarka bini-Aadminimo iyadoo ku matalaysa HQBQ.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

  1. WAAXDA QAXOOTIGA IYO MAGANGALYO.

Waaxdani waxay masuul ka tahay u adeegista dadka Qaxootiga iyo magangelyo–doonka ah, ee si sharci ah ku jooga dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah sidan:

  1. B) Qaybta diiwaan gelinta.
  2. Qaabbilaadda, Soo dhaweynta iyo diiwaan-gelinta Qaxoontiga si sharci ah waddanka uga soo gala xuduudaha kala duwan ee dalka sida dhulka, Badda, iyo Hawada.
  3. Diiwaan-gelinta Qaxoontiga si waafaqsan Dastuurka, xeerarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo kuwa Caalamiga ah.
  4. Kaydinta xogta Qaxoontiga iyo Magangelyo-doonka Waddanka ka diiwaangashan
  5. La wadaagista xogta Qaxoontiga iyo Magangelyo-doonka Hay’adaha Qaranka ee ay khusayso.
  6. Bixinta Kaadhadhka Aqoonsiga Qaxoontiga iyo Magangelyo-doonka.

 

  1. T) Qaybta u adeegista Qaxoontiga
  2. U raadinta Qaxoontiga xuquuqda aasaasiga ah, sida hab-nololeedka, Caafimaadka , Tacliinta, Nabad-gelyada IWM.
  3. kormeerka iyo daba -galka Adeegyada loo sameeyo dadka qoxoontiga iyo magangalyo -doonka ah,
  4. wacyi gelinta dadka Qaxoontiga ah.

 

  1. J) Qaybta xalka waara.
  2. U fududaynta dadka Qaxoontiga ama magangelyo-doonka ah ee iskood ugu noqonaya waddamadoodii.
  3. U fududaynta Hay’adaha ay khusayso dadka Qaxoontiga ah ee Waddan saddexaad ay geynayaan.

 

  1. WAAXDA SOO NOQODYAASHA IYO SOCOTADA (Tahriibta)

waaxda soo noqdayaasha iyo Tahriibta ee Hay’adda Qaxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranku waxay ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah:-

  1. Soo noqdayaasha
  2. Dib-udejinta
  3. Socotada (Tahriibta)

 

  1. Qaybta Soo-noqdayaasha.

 

  1. Ka hawl gelidda sidii waddankooda dib loogu soo celin lahaa Muwaadiniinta tahriibtey ee ku go’doonsan waddamada shisheeye.
  2. U fududaynta dukumentiyada lagama maarmaanka u ah dhinacyada inaga gacan siinaya soo celinta muwaadiniinta.
  3. Isu-duwidda Mashaariicda loogu adeegaayo soo-noqdayasaha.
  4. U fududaynta sida ay bulshadooda u dhexgeli lahaayeen qaab nololeed cusubna u bilaabi lahaayeen.
  5. Xogogaal u noqoshada shirarka socdaalka isku dhafan ee heer qaran, heer gobol iyo caalami.
  6. Xaqiijinta iyo hubinta dadka soo-dalbada inay dalkooda ku soo noqdaan si iskood ah.
  7. soo-dhoweynta soo-noqdayaasha marka laga soo celiyo waddamadii ay ku noolaayeen iyadoo lagu qabbilayo meelaha ay ka soo gelayaan dalka laguna siinayo warbixin la xidhiidha Adeegyada loo qabanayo.
  8. gaadhsiinta soo noqdayaasha meelihii ay u socdeen.
  9. Diyaarinta Qorshayaasha Horumarineed ee Soo-noqdayaasha Iyo Siyaasadaha La xidhiidha Arimaha Soo-nodaayasha
  10. .Diwaangelinta Soo-noqdayaasha Iyo Hirgelinta Nidaam Xogeed oo dhamaystiran.
  11. Bixinta tababaro xirfadeed oo gacan ka geysta ganacsi abuurka si loo joogteeyo hab-nololeedka soo-noqdayasha iyadoo la kaashanayo Daneeyayaasha soon-noqdayaasha.
  12. Bixinta Shahaadada soo-noqdayaasha si loogu fududeeyo dhamaan adeegyada kale ee kaga xidhan Hay’adaha kale ee Dawladda.

 

  1. Qaybta Dib-u-dejinta.

 

  1. Diyaarinta siyaasadda maalgelinta soo noqdayaasha
  2. Hoogaaminta dhamaan shirarka Khuseeya Arimaha Soo-noqdayaasha Iyo Isku dubbaridkooda.
  3. Daba-galka Mashaariicda Dib-u-dejineed ee ay Siiyaan Hay’aduhu Soo-noqdayaasha ,iyo Hubinta dhamaan maal-gelinta Hay’adahaasi inay si toos ah u gaadhaan ciddii loogu talo galay.

 

  1. Qaybta Socotada (tahriibta)

 

  1. Diiwaan-gelinta Socotada timaadda xarunta Socotada (MRC) ee HQBQ.
  2. Daaweynta Socotada ka diiwaangashan xafiiska socotada.
  3. Wacyi-gelinta Arrimaha socotada iyo ka hortagga Tahriibka ee dhamaan Gobollada Dalka, iyadoo xoogga la saarayo Iskuullada ,Jaamacadaha iyo Kaamamka Barakacayaasha .
  4. La-talinta socotada ka diiwaangashan xarunta socotada.
  5. Diyaarinta Iyo Dib celinta socotada soo dalbada in dalkooda dib loogu celiyo iyadoo lala kaashanaayo Hay’adaha ay khusayso.