Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka iyo Hay’adda Boqor Salmaan ayaa saaka heshiis wadashaqayneed oo ku aadan deeqaha iyo mucaawimooyinka ku kala saxeexday xarunta Hay’adda Qxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

0
202

Hay’adda Qaxoontiga iyo barakacayaasha Qaranka iyo Hay’adda Boqor Salmaan ayaa saaka heshiis wadashaqayneed oo ku aadan deeqaha iyo mucaawimooyinka ku kala saxeexday xarunta Hay’adda Qxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Heshiskan oo ay siwada jira u saxeexeen gudoomiyahay hay’adda qaxpoontiga iyo barakacayaasha qaranaka iyo kuxigeenka hay’adda boqor salmaan Foundation u qaabilsan geeska  Africa ayaa ugu horayn munaasibada heshiiska lagu kala saxeexanayay waxaa ka hadlay gudoomiyahay hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka mudane Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif)  oo ugu horayn hay’adda boqor salmaan uga mahadnaqay gurmadkii degdega ahaa ee ay lasoo gaadheen dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay dabkii dhawaan ka kakacay xaafada barakacayaasha ee Naasahablood (B),sidoo kale gudoomiyuhu waxaa uu sheegay kuna amaanay hay’addaasi in wixii kaalmooyin ah ee ay ugu talo gashay Somaliland ay maanta laga biloobo si toosa usoo marin doonta hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka.

Geestiisana goobtii lagu kala saxeexanayay heshiiskaasi waxaa kahadlay Yuusuf Albaluushi oo ah ku xigeenka gudoomiyahay hay’adda boqor salmaan u qaabilsan Geeska Aafrica kaas oo ugu horayn u mahadnaqay xukuumada Somaliland gaar ahaana hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaashaqa qaranka oo si fiican usoo dhawaysay,waxana uu sheegay in deqdii dhawaan ay gaadhsiiyeen barakcayaasha ku nool Naasa-hablood anay noqno doonin tii ugu danbaysay balse ay noqon doonaan kuwo socda islamarkaana si toosa loo soo marin doono hay’adda qaxoontiga iyo barakacayasha qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here