Xadhig ka Jar : Boqol suuli oo laga hirgaliyey Kaamka Barakacayaasha Ee Dagmada Mandheera ee Gobolka saaxil…

0
71

Gudoomiyaha Hay’ada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka C/kariin axmed maxamed Xinif Ayaa waxa Uu Xadhiga Ka Jaray Boqol suuli oo laga hirgaliyey Kaamka Barakacayaasha Ee Dagmada Mandheera ee Gobolka saaxil,

Suuliyadan Ayaa Waxa maalgalisay hay’ada sos Waxaana Loogu Talo galay inay caafimaad ahaan kor u qaado maadama lagu jiro wakhti adag oo lala daaladhacayo xanuunka covid 19.

Gudoomiye Xinif ayaa waxa uu uga mahad naqay hay’ada sos dadaalka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya iyaga iyo hay;adan Sos, Waxanu bulshada kaamkaasi dagan ugu baaqay inay ka faaidaystaa musqulaasi loo dhisay ilaashadaana.

waxa kale oo uu ku booriyey mudane XINIF inay karti isu yeelaan raga kaamkaasi dagan oo ay qorshe la yimaadaan wax lagala qaban karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here