Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Oo Deeq raashina Gaasdhsiisay Barakacayaasha Salaxlay

0
187

Hay’ada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka iyo labad urur ee gaaroodi iyo taakulo ayaa 516 qoys gaadhsiiyey ayaa deeq raashina ah dadka dayarata ah iyo barakacayaasha salaxlay.

deeqdan ayaa ay ugu talo galeen in ay kula farxaan bulshada inteeda kale dadkan danyarta ah oo ay baahi badani u haysay gargaarkan dhamaan masuuliyiin badan ayaa halkaasi ka hadlay oo ay ka mid yihiin wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare , wasiir ku xigeenka maaliyada , badhasaab ku xigeenka gobolka maroodijeex iyo agaasimaha guud ee wasaarada gaadiidka iyo jidadka.
gudoomiye xinif oo goobtaasi ka hadlay ayaa tilmaamay inay tani tahay waajibaad saaran iyaga iyo xukuumada ay matalaanba waxaanu ku bogaadiyey labadan urur oo wax badan ka qabta dagmada salaxlay iyo masuuliyiinta kasoo jeeda deegaankan oo uu ku tilmaamay inay iskaashi aanay dawladu ka madhnay ku dhiseen jidka wadada cad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here