Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha Qaranka Oo Guddoomay Shahaado Sharaf

0
244

Gudoomiyaha hay’ada qoxoontiga iyo barakacayaasha qaranka Somaliland Md C/kariin Axmed Maxamed (XINIF) ayaa maanta ka gudoomay shahaado sharaf ay ku maamuuseen ururka Hiigsi.

 

Shahaado shartan ayaa ay ku sifeeyeen inuu ku mutaystay gudoomiye xinif wax qabadka balLaadhan ee uu ka gaystay hay’adan uu maamulo iyo arimaha bini’ aadannimo ee uu la garab taagan yahay dadka dhibaataysan iyo dadka ay caddaaldaradu ku dhacdo marmarka qaar, Waxa kale oo ay ku amaaneen sidii uu gabadh shaqo al’aan iyo caddaalad darro tirsanaysay uu wax ugu qabtay kana shaqaalaysiiyey hay’adda  uu isagu maamulo.

Gudoomiyaha oo gebagebadii ka hadlay kulankaasi ayaa u mahad celiyey dhalin yarta ururka HIIGSI oo iyagu  u garatay inay ku maamuusaan shahaado sharaftan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here