Guddoomiyaha Ha’adda Barakacayaasha Somaliland Oo Kormeer Kusoo Maray Qaar Kamid ah Kaamamka Barakacayaasha Gobolka Togdheer.

0
150

Guddoomiyaha hay’adda Qoxoontiga iyo Barakacayaasha Jamhuuriyadda Somaliland Md. C/kariim Axmed Maxamed Xinif ayaa kormeer kusoo maray qaar kamid ah kaamamka ay kusuganyihiin dadka barakacayaasha ah ee gobolka Togdheer

Kormeerkan oo ujeedadiisu daaranayd xogogaal u noqoshada baahiyaha ay qabaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool kaamamkaasi ayaa waxa uu gudoomiyuhu ka bilaabay kaamka barakacayaasha ee hore loo odhan jiray fadh fadhiisay ee lagasoo raray madaarka Burco, oo hadana loo bixiyey maloosh ayaa uu halkaasi kaga dhagaystay cabashooyinka ay qabaan kaamkaasi waxaana uu gudoomiye xinif mid mid u dhagaystay qaar ka mida salaadiinta iyo cuqaasha gobolka Togdheer.

kadib dhagaysiga hadaladii odayaasha waxa uu gudoomiyuhu u balan qaaday inay u baadidoonayaan baahiyahaasi ay usoo gudbiyeen bulshadan ku dhaqan kaamka maloosh horena loogu filin lahaa ee ay caqabad ku noqotay dhul la’aan haysay hadase ay u dedaali doonaan.

Gebbagabadiina waxa uu gudoonsiiyey labaatan qarbad oo uu ugu talo galay inay kaga baxaan baahiyaha dhinaca biyaha.

Geesta kale waxa uu gudoomiyaha hay’ada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranku waxa kale oo uu kormeer ku soo maray kaamamka guryo samo iyo awshukri waxaanu u balan qaaday inuu wixii karaankisa ah u qaban doono haddii Alle idmo

Somalilandndra/updates.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here