Daawo:Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Somaliland C/kariim axmed Maxamed (Xinif) ayaa maanta tabobar u furay Shaqala waynaha Hay’adda.

0
128

(Hargeysa-NDRA) – Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee Somaliland C/kariim axmed Maxamed (Xinif) ayaa maanta tabobar socon doona mudo laba maalmooda u furay Shaqaale waynaha Hay’adda Qaxootiga iyo barakacayasha Qaranka.

Tabobarkan ayaa mudada uu socdo waxa lagu baran doonaa maamul daadejinta iyo sida ugu hufan ee shaqaaluhu ugu adeegaan dadwayanaha.

Guddoomiye C/kariin Axmed Maxamed (Xinif) ayaa shaqaalaha kula dardaarmay inay sida ugu fiican uga faa’iidaystaan aqoon korodhsigaasi si ay hadhowna ugu dabaqaan adeega ay Bulshadooda u qabanayaan.
waxa uu sheegay in ay ka go’antahay ka maamul ahaan sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta Shaqaalaha si tayadoodu uga muuqato shaqada ay qabanayaan.
Tabobarkaasi oo uu bixinaayay Aqoonyahan Yahye Nageeye, ayuu ku soo bandhigay aqoon ku saabsan kaydinta iyo ilaalinta Xogaha Xafiisyada, Maamul daadejinta, iyo dabeecadaha Ururada.

SOMALILAND NDRA HARGEYSA OFFICE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here