Daawo: Olole Wacyigelineed oo la xidhiidha arimaha oo Ay iska kaashadeen tahriibkaHay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NDRA) iyo UNHCR.

0
168

(NDRA-HARGEYSA) – Hargeisa(NDRA)- 23/05/2019
Hay’adda Qaxoontiga & Barakacayasha Qaranka Jsl: -oo kashnaysa Hay’adda UNHCR Waxay ka Bilawday Magalada Hargiesa olole Wacyigelineed oo la xidhiidha arimaha tahriibka ,ololahaasi oo lagu tagayo Dugsiyada Waxbarashada Hoose Dhexe /Sare Iyo Jamacadaha Dalka Si looga Wacyigeliyo Ardayda arimo la xidhiidha Tahriibka Iyo Dhibaatooyinkiisa socona Doona mudo Lix cisho ah.
Ololahan oo uu Hogaaminyo Isuduwaha Gobolka Mardoojeh ee Hay’adda Qaxoontiga & Barakacayasha Qaranku Waxaa Iyana Si weyn uga qayb qadanaaya Xubno ka mid ah dhalinyaradii reer Somaliland ee Wadanka ka tahriibay ee ay Hay’addu dib u soo celisay ,Kuwaasi oo Ardayda uga warmaayey xaaladihii Qalafsanaa ee ay kala kulmeen Safar dheer oo ay galeen iyo dhibaatooyinkii ay ka dhaxleen tahriibka ,jeelashii lagu xidhay magafayashii qabsaday iyo Nolashii Adkayd ee ay soo mareen .Waxaanay arimahaasi si wayn u soo jiiteen dhalinyaradaasi oo aad ula fajacay warbixinihii la xidhiidhay arimaha Tahriibka ee loo soo bandhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here