Daawo: Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha(NDRA) oo So dhawaysay Dhalinyaro Hore uga tacabiray dalka kuwaso ay Hay’addaha (NDRA,IOM iyo UNHCR) iska kaashadeen ka soo celintoda Liibiya iyo Sudan.

0
160

22/05/2019
Hay’adda Qaxoontiga & Barakacayasha Qaranka Jsl: – waxay maanta ku soo dhawaysay madaarka calaamiga ah Egal International Airport (4) dhalinayaro ah oo reer Somaliland ah kuwaasi oo hore wadanka uga Tahriibay, Balse Ay Ha’yaddu dib uga soo celisay wadamada Libiya Iyo Sudan Iyadoo Kaashanaysa Hay’adda IOM.
Waxaan garoonka ku Qabibilay Agasimaha Waaxda soo-Noqdayasha Mustafe Abdi Hussien Iyo saraakiil ka socday Ha’yaddaha IOM & UNHCR kuwaasi oo Ha’yadda ka caawiya sidii dhalinyarada reer somaliland ee ku godoonsan wadanka Libiya kuna jira jeelasha wadankaasi dibna loogu soo celin lahaa wadankooda.
Dhalinyaradaasi oo wakhti dheer ku jiray jeelasha wadanka libiya Waxaa warbixin dheer oo khusaysa xalada wadanka iyo Barnaamijyo La Xidhiidha Qorshaha Ay Hay’addu Ugu Talo Gashay lagu siiyey xarunta Ha’yadda Qaxoontiga & Barakacayaasha Qaranka ee (NDRA),laguna gudoonsiyey lacag Bocket Money ah oo ay Ha’yadda IOM ugu talo gashay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here