Kulankan: daaranaa gurmad loogu jiro caawinta barakacayaasha raxmaadka eebe waxyeeleeyeen.

0
166

(NDRA-HARGEYSA) – Gudoomiyaha hayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka c/kariim axmed maxamed xinif ayaa saaka isugu yeedhay hay’adaha caalamiga ah iyo qaar ka mid ah kuwa islaamiga.
Kulankan ayaa daaranaa gurmad loogu jiro caawinta barakacayaasha raxmaadka eebe waxyeeleeyeen kuwaasi oo ubaahan hoy iyo cunto , Gudoomiyuhu isaga oo arintasi ka duulaya ayuu saaka kulan kula yeeshay hoolka hay’ada qoxoontiga iyo barakacayaasha waxaanu gudoomiyuhu hay’adaha u sheegay in hada loo baahan yahay sidii barakacayaasha dhibaatadu ka soo gaadhay roobabkii maalmihii u dambeeyey ka da’ayey gobolada dalka ay keeneen dhiamasho iyo barakac hoy la’aan iyo cunto la’aan waxaana ilaa hada la og ayahay tirade hoy la’aanta ku dhacay ay gaadhayaan 623 qoys oo kala dagan gobolada maroodi jeex , saraar iyo togdheer waxaanay isla qaateen ina ay si dhakhso ah gurmad uga galaan aritaasi; Hayadaha had aka jawaabayna waxa ka mida hay’addaha world vision iyo ARC

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here