HAY’ADA QOXOONTIGA IYO BARAKACAYAASHA QARANKA AYAA MAANTA WAXAY KU SOO DHAWAYSAY MADAARKA CIGAAL INTERNATIONAL ARPORT DHALINYARO U DHASHAY JSL OO KU DHIBAATAYNAA WADANKA LIIBIYA

0
212

(NDRA-HARGEYSA) – 11-05-2019 Hay’ada Qoxoontiga Iyo Barakacayaasha Qaranka Ayaa waxa ay maanta Kusoo Dhawaysay madaarka Cigaal international airport Sagaal  (9) Dhalinyaro ah kuwaasi oo ku dhibaataysnaa wadanka Liibiya.

Agaasimaha Waaxda soo noqdayaasha iyo tahriibayasha mustafe cabdi xuseen oo uu weheliyo madaxa  qaybta soo noqdayaasha Aadan suldaan iyo wakiilo ka socaday Hay’ada IOM iyo UNHCR ayaa iyaguna ka mid ahaa masuuliyiinta halkaasi ku soo dhaweeyey .

Ugu horay waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha  waaxda soonoqdayaasha  Mustafe cabdi  xuseen waxaanu hadalo dardaarana u soo jeediyey dhalinyarta dib loogu soo celiyey wadankooda hooyo isaga oo u sheegay inay kala qayb qaataan barnaamijyada lagaga hortagayo dhibaatada tahriibka.

Qaar ka mida masuuliyiintii ka socotay Hay’adaha IOM iyo UNHCR ayaa iyaguna halkaasi ku gudoonsiiyey Qadar Lacag ah iyo caafimaad loo samaynayo dhalinyarada xaalad caafimaad u baahnaa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here