Daawo: Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo Hay’adda islamic Relief oo Raashin u qaybiyay Barakacayaasha Magalada Hargeisa.

0
322

(NDRA-HARGEYSA) – 12/05/2019, Hay’adda qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo kaashanaysa Hay’adda Islamic Relief waxay si wada jir ah ugu qeybiyeen raashin caawimo ah oo loogu talo galay dadka barakacayaasha ah ee Magaalada hargeisa dadkaas oo tiradoodu dhan tahay 1945 qoys iyadoo manta tirade dadka la siiyay raashinku dhan tahay 795 qoys oo kala degan kaamamka Barakacayaasha State House, Ayah 3B buurta iyo Ayah 4 iyado qorshuhu yahay in goobaha kale ee hadhsan la siiyo 2 malmood ee soo socda  kuwaas oo kala ah Stadium, Digaal iyo Salaxlay.

Raashinkaas oo dhamaa sidan hoos ku qoran:-

  1. Bariis
  2. Sonkor
  3. Daqiiq
  4. Timir
  5. Caano
  6. Boorsh
  7. Saliida cuntada

Raashinkaas oo loogu talo galay in dadka Baracayaasha ahi kaga baxaan bisha Ramadaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here