Hay’adda NDRA Oo 64-qaxoonti Itoobiyaana Dib Ugu Celisay Dalkoodii Ay u Dhasheen Ee Itoobiiya

0
38

(Hargeysa-NDRA) – Ha’adda qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa maanta dalka ka anbabixisay 64-qof oo Qaxonti itoobiyaana dalkana muddo ku sugnaa.

dadkan ayaa u badna Dumar iyo Caruur Hay’adda Qaxootiga iyo Brakacayaasha Qaranka (NDRA) ayaa ugu diwaan gashanaa Qaxoonti, dadkan ayaa mudadii ay joogeen Somaliland ka helay degenaansho,Amni iyo nolosha oo ay kala mid ahaayeen bulshooyinka kale iyo Xuquuqdooda Qaxoontinimo oo la ilaaliyay.

Dib u celinta dadkan waxa iska kaashaday Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha iyo Hay’adda Socdaalka aduunka ee magaceeda losoo gaabiyo (IOM) ugu horayntiina goobtii dadkaasi lagu sii sagoontiyay waxa ka hadlay agaasimaha Waaxda Soonoqdayaasha iyo Socdaalka Mustafe Cabdi Xuseen, waxanu sheegay in dadkani si iskooda u codsadeen in lagu celiyo dalkoodii ay u dhasheen iyaguna ka ogolaadeen.

Mr Diyb oo ka socday Hay’adda IOM, ayaa ka waramay xuquuqda sharci ay xaqa u leeyihiin dadkan qaxoontiga ah oo ay ka taageereen NDRA in dadkan si sharciya dib loogu celiyo Itoobiya.

NDRA Somaliland/Hargeysa/ Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here