Hargeysa: Dawladda Oo Hay’adda Caalamiga ah ka Dalbatay In Wax loo Qabto Qoysaskii Laga Raray Xaafada 150-ka ee Hargeysa.

0
1473

(Hargeysa-NDRA) – shir muhiima oo ay ka soo qayb galeen 15-Hay’adood oo isugu jira kuwa Qaramada Middoobay iyo kuwa Ururada Caalamiga ah ayaa maanta ka qabsoomay xarunta  Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee Magaaladda Hargeysa.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen Masuuliyiinta Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee (NDRA), ayaa lagaga hadlaayay sidii Hay’aduhu u taakulayn lahaayeen waxna ugu qaban lahaayeen ku dhawaad 600, oo qoysas Bbarakacayaala kuwaas oo dhawaan laga raray Xaafadda 150-ka ee Magaladda Hargeysa.

waxa kale oo shirkan ka soo qayb galay Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Maayirka Hargeysa iyo Badhasaab ku xigeenka Gobolka Maroodi jeex.

Guddoomiye C/kariin Axmed Maxamed (Xinif), ayaa ku dheeraaday waajibaadka iyo masuuliyada ka saaran in laga jawaabo baahiyaha dadka Barakacayaasha ah ee ay u xilsaaranyihiin, waxana uu sheegay in Hay’adahani si dhakhso ah wax uga qabtaan baahiyaha aasaasiga ah ee Kaamka Barakacayaasha Malawle oo qoysaskaasi la dejiyay.

Maayirka Magaaladda Hargeysa iyo Badhasaab ku xigeenka ayaa iyaguna tilmaamay baahida dadka Barakacayaasha ah ee xiligan u baahan in Dawladdu ay la kaashato Hay’adaha Ururada Caalamiga ah iyo kuwa Qaramadda Middoobay.

NDRA Hargeysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here