Daawo: Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee (NDRA) Faadumo C/laahi Cumar, ayaa maanta furtay shirka Bilaha ah (HLP)

0
210

(Hargeysa-NDRA) – Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee (NDRA) Faadumo C/laahi Cumar, ayaa maanta furtay shirka Bilaha ah (HLP) ee Hay’adaha daneeya arimaha Barakacayaasha.
Kulankan oo ah mid bile ah, ayaa waxa ka soo qayb galay qaar kamida wasaaradaha iyo laamaha Dawladda, iyo Hay’adaha ay wadashaqaynta leeyihiin NDRA.

Guddoomiye ku Xigeenka NDRA ayaa ka soo qaybagalayaashii kulankaasi ka dhegaysatay Xaaladaha iyo hab-maamulkooda bulshada nugul, waxayna kula dardaarantay in ay hawsha halkaasi ka sii wadaan.

Shirkan ayaa ku saabsana daryeelida dadka nugul iyo u adeegida baahiyahooda.

Maxamud Yuusuf Cali Agaasimaha waaxda Barakacayaasha ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee NDRA, ayaa isna halkaasi ka hadlay waxanu halkaasi ku soo badhigay baahiyaha aasaasiga ah ee la soo dersa Xaafadaha Barakacayaasha ah.

waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Xubno ka socday wasaaradaha dawladda qaarkood, Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo Hay’adaha Caalamiga ah ee NDRA ka taagera wax u qabashada Bulshada Nugul.
SOMALILAND NDRA HARGEYSA OFFICE.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here