Daawo: Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Oo kormeertay Roobakii Ka da’ay Hargeisa Gaar Ahaan kaamka Digaale

0
134

(Hargeysa-NDRA) – Taariikhdu markay ahayd   08|06|2019 waxay  kormeer xogoogal u noqosho ah ku tageen hawl wadeen ka tirsan Hay’adda Qaxoontiga Barakacayaasha Qaranku.  kuwaas oo kormeeray waxyeelada uu gaystay roobkii  Magalada Hargeisa ka day.   Waaxanu  tagnay Barakacayasha Digaale  oo roob dabayl watay  u  gaadhsiiyay waxyeelo hantiyeed oo kala ah sidan hoos ku xusan:-

  1. 8 Guri oo jingada ah
  2. 11 Suuli

Hawl wadeenada Hay’adda Qaxoontiga iyo Baracayaasha Qaranka  oo kormeer ku maray dhaman dadka waxyeelada gaadhay iyagoo diwaan galiyay dadka waxyeeladau gaadhay. Dhamaan guryaha dumay waxay ka mid yihiin mashruucii  lagu caawiyay dadka Barakacayaasha ah  markii degsiimada loo sameeyay .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here