(Hargeysa-NDRA) – Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka waxay ku soo dhawaysay Madaarka Egal international airport Dhaliyaro reer Somaliland ah oo Wadanka Hore uga Tahriibay Isa-marakana ay soo celintooda Iska kaashadeen Hay’adda NDRA Iyo IOM.
Dhalinyaradaasi oo mudo ku dhibaataysnaa Wadanka Libiya kuna jiray jeelasha wadankaasi dhawr Magafena ay kala Iibsadeen ayaa si Nabad ah ugu soo guryo noqaday wadankoodii Hooyo,markii ay ka soo dageen garoonka Waxaa ku Qabilay Agasimaha Waaxda Soo-Noqdayasha Iyo Sarakiil ka socoday Hay’addaha IOM & UNCHR .
Qorshaha Soo celinta Dhalinyarada Reer soomaliland ee ku dhibaataysan wadanka Libiya Iyo Dhamaan Wadamada Kalaba Waxay Hay’adda Qaxoontiga & Barakacayasha Qaranku ku Bixisay Dadaal Dheeri Si dhamaan Dhalinyaradasi Wadankooda Dib lagu soo celin lahaa,laguna abuuri lahaa fursado shaqo ,iyadoo kashanaysa Hay’addaha ay wada shaqaynta leeyihiin.