Hay’adda qaxoontiga iyo Barakacayaasha qaranka ee Somaliland ayaa 88-Qoys u qaybiyay agabyada kala duwan ee Hu’ga

0
82

(Hargeysa-NDRA) – Hay’adda qaxoontiga iyo Barakacayaasha qaranka ee Somaliland ayaa 88-Qoys u qaybiyay agabyada kala duwan ee Hu’ga, qoysaskaasi oo ay saamayn ku yeesheen roobabkii dhawaan ka da’ay Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
Dadka ayaa laga soo kala xulay xaafadaha kala duwan ee magaalada waana qoysaskii degenaa goobaha Biyo mareenada ah oo daadadka ka dhashay Roobabkaasi ay saamayn balaadhan ku yeesheen.
Agaasimaha waaxda Barakacayaasha Maxamuud Yuusuf Cali ee Hay’adda qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa sheegay in dadkani baahi wayan u qabeen Hugan loo qaybiyay wax wayna ay ka tarayso baahidoodii dhinaca Huga.
Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Faadumo C/laahi Cumar, oo halkaasi ka hadashay waxa ay sheegtay in meelaha qoysaskan laga soo xulay ay ka midyihiin xaafadaha Hindiya Linka iyo Goljano, kuwaas oo deganaa goobaha biyo mareenka ah, sidoo kale waxa ay sheegtay in wixii karaankooda ah ay la barbartaagan yihiin Bulshada Nugul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here