Daawo:Gurmadkii dadka roobabku wax yeeleeyeen oo ay Hay’adda NDRA iyo Hay’addaha ARC iyo World vision ay iska kaashadeen.

0
84

Hay’adda qoxoontiga iyo barakacayaasha qaranka oo kaashanaysa hay’addaha ARC iyo world vision Ayaa si wada jir ah waxay ugu qaybiyeen agab kala duwan dadka roobabku dhibaateeyeen ee dagan barakacayaasha naasa-hablood iyo jidka labada boqol.
Qaybintan alaabta iyo huga isugu jirta ee ay keeneen hay’adaha ARC iyo World Vission ayaa waxa ay ka dambaysay baaq uu dhawaan isugu yeedhay gudoomiyaha hay’adda qaxoontiga iyo barakacayaasha Mudane: C/kariin Axmed Maxamed (xinif) kaasi oo ka dalbaday inay dadkan barakacayaasha ee uu raxmaadka eebe waxyeeleeyey ay gurmad dag daga la soo gaadhaan dadka loo qaybiyey alaabta ayaa waxa ay gaadhayaan ilaa 220 qoys. iyadoo ilaa hada ay gurmadka keeneen laba hay’addood kuwa kalana laga sugayo wixii ay kaga qayb qaadanayaan gurmadkasi loogu jiro dadkan dhibataysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here