Daaw: Guddoomiye Xinif oo Gobolada U Kala Diray Gudida Xaqiiqo Raadina.

0
229

(Hargeysa-NDRA) – Guddoomiyaha Hay’adda qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka C/kariin Axmed Maxamed  (Xinif ) ayaa Gobolada dalka u anbabixiyay Gudiyo u kuur galaaya Xaaladda ay ku suganyihiin dadka Gudaha ku barakacay,Qaxoontiga ku sugan Gobolada iyo dadka socdaalka ah dariiqyada ay ka gudbayaan.

Gudiyada ayaa ku wajahnaa Goboladda Maroodi jeex, Togdheer, Awdal, Saraar, Sool iyo Sanaag.

Waxa ay la kulmidoonaan Guddoomiyayaasha Goboladda oo ay iska kaashan doonaan hawlaha shaqo ee ay qabanayaan iyo xaaladda ay ku suganyihiin dadka Nugul ee Hay’addu u xilsaarantahay.

Guddoomiye Xinif oo beryihii u danbeeyay bilaabay dedaalo lagu dersayo bulshada nugul iyo sidii wax loogu qaban lahaa ayaa Guddiyada u anbabaxay Xaqiiqo raadinta u rajeeyay in hawlahooda shaqo ay ku soo guulaysta.

Daawo muuqaalka warkan oo dhamaystiran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here