Daawo: Guddoomiye Xinif oo Qaabilay Wafti ka Socda Dawladda Holland

0
219

(Hargeysa-NDRA) – Waftiga dalka Holand ka socday ayaa dalka u yimi hawlo la xidhiidh iskaashiga labada Dawladood iyo sidoo kale dadka reer Somaliland ee degen dalka Holland qaar koodna ay sharci la’aan ku joogaan. Waftiga waxa hogaaminayay ku xigeenka safiirka Holland u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya waxana xubno ka ahaa agaasimaha wasaaradda cadaaladda iyo xubno ka tirsan waaxda socdaalka dalkaasi.

Kulan laba geesood ah oo Guddoomiye Xinif ku qaabilay xafiiskiisa ayaa labada dhinac kaga wada hadleen arimo doora ugu horayna Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ayaa faahfaahin ka bixiyay u jeedada socdaalka Waftiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here